Posted April 28, 2013 by wariye in NEWS
 
 

Xildhibaanada Somalia oo looga digay inay mooshin ka keenaan Heshiiskii Ankara

Baarlamanka
Baarlamanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay inay mooshin ka keenaan Heshiiskii dhawaan Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ku dhaxmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay udiiday mooshin kadhan ah heshiiskaasi dhaxmaray Somalia iyo Somaliland, waxaana xildhibaanada Shalay looga digay in mooshinkaasi mar danbe ay horkeenaan Baarlamaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad mar uu hadlay ayaa waxa uu sheegay in qorshe howleedka xukumada ee la meel mariyay taariikhda marki ay aheyd 13-kii November 2012 la siiyay xukumada sharci ay ku meel mariso ajandayaasheeda.

Mr. Cawad ayaa tilmaamay in Xildhibaanada Soomaaliyeed ay uyeeri karaan xubnihii ka qeybgalay shirkaasi si su’aalo ay uga weydiiyaan hase yeeshee suurtagal ma noqoneyso ayuu yiri in  mooshin laga keeno heshiiskii Ankara ee dhaxmaray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Sababaha ay ujoojiyeem gudoomiye ku-xigeenka mooshinka laga keenay heshiiska Ankara ayuu  ku sheegay inay ka cabsi qabaan in carqalad uu ku noqdo wadahadalada udhaxeeya Dowlada iyo maamulka Somaliland iyo shirka lagu balansanyahay in  dhawaan uu ka dhaco magaalada London ee dalka Britain.

Guux badan ayaa ka dhaxjira baarlaamnaanka Soomaaliya waxaana qaar ka mida xildhibaanada Soomaaliyeed ay qabaan in maamulka Somaliland loola heshiiyay sidi dowlada madax banaan oo kale, waxaana ka mida xubnaha fikirkaasi qaba mooshinkana ka keenay heshiiskii Ankara Xildhibaan Cali Qaliif Galleyr iyo xubno kale.

 


wariye