Posted May 13, 2013 by wariye in CCD SOMALIA
 
 

Dhalinyarada G/banadir oo ka qeybgashay kulan looga hadlayay sida bulshada ay uga qeybqaadan karto amniga caasimada

DSC00264
DSC00264

Degmada Howlwadaag waxaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD, kulankaasi oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada gobolka Banaadir uga qeyb qaadan lahayd ammaanka iyo xasilinta dalka.

Dood cilmiyeed loo qabtay dhallinyaro tiradoodu ka badan tahay 100-qof ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar, Guddoomiyaha Hay’adda CCD Ciise Axmed Cumar,  madax ka tirsan maamulka dhallinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay Hay’adda CCD oo iyadu kulankaan soo agaasintay, isla markaana kulamo kala duwan horay ugu qabatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Jacfar oo ka hadlayay doorka maamulkiisu ka qaadanayo horumarinta dhallinyarada iyo tirakoobka dadka degan degmada, wuxuuna sheegay in dhallinyarada maanta ay yihiin kuwo ka nasiib badan dhallinyaradii 20-sano kahor dalka joogtay xilligaas oo uu sheegay in dhallinyarada ay u caaboonaayeen qoriga iyo hubka kala duwan.

Waxa uu sheegay in dhallinyarada maanta ay leeyihiin nasiib wacan, bacdamaa maanta la joogo xilli ay dadka u ooman yihiin nabad isla markaana ay naceen qaadashada hubka iyo jawiga colaadeed.

“Dhallinyarada way is garanayaan wayna ogyihiin midkooda Shabaab ka tirsan, midkooda dalka ka dhoofay iyo midkooda aan wax rabsho ah sameynin” ayuu yiri Guddoomiyaha deg. Howlwadaag oo ka dalbaday dhallinyarada Soomaaliyeed inay horseed u noqdaan nabadda, isagoo ku ammaanay doorka dhallinyarada iyo haweenka ay ka qaadeen isbedelada horumarineed ee ka dhacay degmadiisa.

Guddoomiyaha Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD Ciise Axmed Cumar ayaa ka hadlay ujeedada kulanka laga leeyahay, isagoo sheegay in dhallinyarada maanta oo ka aqoon badan dhallinyaradii SYL sababta ay dalkooda uga xoreyn la’yihiin kuwa dhibaatada ka wada dalka.

“Soomaaliya diinta Islaamka way maqashay wayna qaadatay, waa maxay jihaadka la sheegayo ee dadka Islaamka ah lagu leynayo?” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda CCD oo sheegay in dalkaan kuwa dhibaatada ku haya ay ka soo weerareen saddex jiho oo kala ah: Dhallinyarada, Dhaqanka iyo diinta.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha CCD in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada  looga baahan yahay inay u midoobaan sidii ay dalkaan uga badbaadin lahaayeen kuwa dhibaatada ku haya ee barakiciyay shacabka isla markaana dalka u horseeday burbur.

Ugu dambeyntii waxaa khudbad soo jeediyay Guddoomiyaha haweenka hay’adda CCD Sahra Maxamed Amiin iyo Xoghayaha degmada Howlwadaag Cusmaan C/lle Mataan, kuwaasi oo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka inay ka faa’iideystaan waxyaabihii ay halkaan ka barteen.

Xoghayaha degmada Howlwadaag ayaa uga mahad celiyay hay’adda CCD, isagoona ka codsaday inay kordhiyaan qabanqaabada iyo kulamada noocaan oo kale ah, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galayaasha kula dardaarmay inay uga faa’iideeyaan asxaabtooda iyo deriskooda aan nasiibka u helin ka qeyb galka dood cilmiyeedkaan.


wariye