Posted July 27, 2013 by wariye in NEWS
 
 

Maxkamada ciidamada oo saaka xukun dil ah ku fulisay Askar ka tirsan ciidamada Dowlada “Daawo Sawirada”

9
9

Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Dowlad Somalia ayaa saaka lagu qisaasay  fagaaraha weyn ee Iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha lagu tooganayay Askartan ayaa waxa uu sheegay in saddex ka mid ah askarta la toogtay ay horay udileen Askari katirsanaa Ciidamada ilaaliya Madaxtooyada kaaso oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Af dheere.

Sidoo kale Askariga Afaraad ee maanta la dilay waxa la sheegay inuu isna dilay askari katirsanaa ciidamada dawlada sanadkii 2012 waxaana uu ku dilay xilligaasi Degmada Kaaraan Xaafada Nageyle kaasoo la magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Xuseen.

Ragga saaka Iskool Bulusiyo lagu toogtay ayaa lagu  kala magacaabi jiray

Cali Maxamed Adan oo 24 sano jir ah

Cusmaan Maxamed Diiriye  oo 24 sano jir ah

Ibraahim Maxamed Xuseen oo  24 sano jir ah

Xasan Maxamuud Abuur (Rubac)  oo isna 24 sano jir ah.

Maaha markii ugu horeysay oo maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay xukuno dil ah ku fuliso askar ka tirsan ciidamada dowlada oo iyagu horay dilal ugeystay.

 


wariye